Uncategorized

Wararkii ugu dameeyay Ee Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo–KNN–Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xaaladda Magaalada oo Shalay uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo ay Maanta degen tahay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya inay weli xiran yihiin xarumihii ganacsiga ee kuyiil aagii lagu dagaalamay welina ay is horfadhiyaan dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray, inkastoo odayaasha iyo waxgaradku ay wadaan qorshe ay doonayaan inay ku kala qaadaan.

Dagaalkii Shalay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 10 Qof  halka Dhaawacuna uu gaarayo illaa 20 kale.