Somali News

Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo baaqa Shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho-KNN-15ka bisha may oo maanta oo axad ah Xildhibaanada labada gole ee baarlamanka soomaaliya ayaa dooranaya madaxweyne cusub kaas oo dalkan hogaamiya afarta sano ee soo socta.

In ka badan 30 musharax ayaa u tagaya teendhada afisiyooni xili mid walbaaba uu doonayo inuu ku fariisto kursiga dalka ugu sareeya.

Afar musharax ayaa gabi ahaanba isaga haray loolanka doorashada madaxweeynaha Soomaaliya, iyadoona taasi ay musharxiinta ka dhigeeyso 35 musharax.

Xog ay heshay KNN ayaa sheegeysa in musharxiin kale ay qorsheeynayaan in saacdaha soo socda ay ku dhawaaqaan in ay isagga hareen tartanka Doorashada madaxweynaha.

329 xildhibaan oo labad gole ah ayaa codkooda dhiibanaya xilli musharxiinta kala jiidasho ay ku jireen saacdihii lasoo dhaafay.

Bulshada soomaaliyeed qeybahooda kala duwan oo culimaa udiinka ay ku jiraan ayaa baaqyo is daba joog ah u diriyey xilibaannda iyagoona sheegay in doortaan  madaxweyne daacad ah oo samata bixin kara dalkaan Kana saari karro xaalladaha adag ee uu dalku ku jirro.

Shiiq maxaed idiriis ayaa kamid culumda sida gaar ah ula hadalay Xildhibaanada waxa uuna warreeysi uu siiyey KNN ku sheegay iney hayaan xilibaannda dhamaan indhah shacbka soomaaliyeed oo badnkood daruufo adag wajahayaan.

Waxaa jira musharxiin la saadaalinayo inuu dhaxmari doono loolanka ugu adag kuwaas oo ay kamid yihiin shariif shiikh axmed, xasan sheikh maxamuud saciid cabdulaahi dani, Xassan Cali Kheyre iyo  maxamed cabulaahi farmaajo.

Amaanka magaallda muqdisho ayaa sidoo kale si aad ah loo adkeeyey xili caasimada ay kujirto bandow ku eg lixda subaxnimo ee baritto taas oo laamaha amaanka ay ku sheegeen in amniga la sugayo inta ay soctosto doorashad.

Dadka ayaa guryahooda saaka ku jira mana jirto wax gaadiid ah oo socda nuuca uu doono ha ahaadee sidoo kale xitaa ciidamada ayaa diiday dadka lugeeynaya, waxaana cidlo ah guud ahaan wadooyinka magaallada caasimada ah ee Muqdisho,