Uncategorized

Warbaahinta Caalamka oo wax ka qortay sidii lagu bad baadinlahaa Boqorada iyo R/W hore ee Ingiriiska.

Muqdisho-KNN-Ka dib markii dalka Ingiriiska dhawaan lagu qabtay muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen in uu dili rabay boqorada iyo reysulwasaarihii hore ee ingiriis Dived Cameron sidoo kalana la sheegay in uu weeraro argagaxiso uu ka geysan rabay gudaha dalka Ingiriisa ayaa waxaa arintaas  ka hadlay siyaasiyiin kala duwan kuwaas oo soo jeediyay aragtiyo kala duwan oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa weerara Al-shabaab ay la damacsan yihiin in ay ku weeraraan qaar ka mid ah wadamada caalamka.

Warbaahinta caalamka ayaa maanta daabacday aragtiyo kala duwan oo ku aadan sidii lagu bad baadin lahaa Boqorada iyo Reysul wasaarihii hore ee Biritin Dived Cameron oo horay loo sheegay in la qabtay muwaadin Soomaaliyeed oo dil la damacsanay.

Dadka qaar oo arintaa aragti ka dhiibtay ayaa soo jeediyay in sii noolaashaha muwaadiniinta Ingiriis  iyo kuwoo kale oo ku nool wadamada kale ee Caalaamka ay ka qeyb qaadan karaan Ciidamada Booliska ee dalka Kenya maadama dalka Kenya uu xad la leeyahay Soomaaliya oo Al-shabaab ay ka dagaalamaan, isla markaana ay ka hortagi karaan weerarada Argagaxisa ee ay ka geystaan Kenya iyo wadamada kale ee Caalamaka.

arintaan ayaa imaanaya xili magaalada London ee wadanka Ingiriiska uu ku xeran yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay sheegeen in uu ka midyahay Al-shabaab, isla markaana uu qorsheynayay in uu dililo Boqorada iyo Reysul wasaarihii hore Biritin.