Uncategorized

Warbaahinta Soomaalida oo Saakay Qoraya Mooshin laga Gudbiyay Xukumadda Kheyrre”Akhirso”

Muqdisho–KNN–Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa diyaariyay mooshin xil ka qaadis ah Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo lagu wado in loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka marka la saxiixo.

Warbaahinta Soomaalida intooda badan ayaa Saakay Daabacay Qoraalo ay soo diyaariyeen Qaar kamida Xildhibaanada Golaha Shacabka islamarkaana ay ku sheegeen in ay Mooshin ka wadaan Wasiirka Kowaad ee Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Hogaamiya Xukumadda.

Inkastoo Qoraalka Xildhibaanadu ay ku sheegayaan in ay Mooshin ka keeneen Wasiirka Kowaad ee Xukumadda Soomaaliya uusan Saxiixoodu saarneyn ayaa Warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in illaa 50 Xildhibaan ay Mooshinka ka gudbiyeen Wasiirka Kowaad ee Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.

Mooshinka ayaa la Xiriira Go’aankii 6-dii Bishaan ay Xukumaddu ka qaadatay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa Xubin sare oo ka tirsan Jamhadda ONLF,waxaana Xildhibaanada Mooshinka Gudbiyay ay leeyihiin waa Muaadin Soomaaliyeed oo loo Gacan galiyay Dal Cadaw ah.

Hayeeshee Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa Kulan yeelan Doona Xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaana Ajandaha Kulanka Maanta Kow ah Arrinta C/kariin Qalbi-dhagax,

Halkaan Hoose ka Akhiro Qoraalada