Muqdisho-KNN-Axmed Maxamed Xaaji Aadan Waa 26 sano jir ah muddo sanado ah ku noolaa
magaalada Boosaaso ee gobalka Bare ee Puntland, 21-kii August ee sanadkaan 2019
ayaa maqaayad uu ka qashaqeyn jiray waxaa ka qabtay Booliiska gobalka Bari ee
Puntland isaga iyo dhowr qof oo kale, balse waxa uu ahaa qofka kaliya ee ka soo jeeda
gobalada Koonfurta Soomaaliya.
Axmed waxaa si xun u jir dilay Booliiska Puntland kadib markii ay ku eedeeyeen in uu
xariir la ahaa Al-Shabaab iyo Daacish.
Jirdilka Booliiska waxa uu sababay in uu Axmed ku geeriyood biyaha badda ay madaxa u geliyeen ciidamada Booliiska dabayaaqadii August, 2-dii habeennimo ee saqda dhexe ,sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka.
Axmed Maxamed Xaaji Aadan, oo muddo ka badan 5 sano ka shaqaynayay Puntland
waxa uu ahaa qof kaliya oo ay Ciidamada ka reebteen 9 qof oo mar qura laga qabtay
bartamaha magaalada Boosaaso oo qaarkood la shaqeyn jiray Marxuumka dhintay.
Aabaha dhalay Marxuum Axmed ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in wiilkiisa lagula
dhaqmay si ka baxsan Bani aadinimada dedaal badan oo ay sameeyeena si cadalaad u
helo marxuumka ay ku guul dareesteen.
Xildhibaan Nuur Siidow loo yaqaano Baaba-Xasan kana tirsan xubnaha Golaha
Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalane ah Xildhibaanka kursiga
Baarlmaanka ku matala Maxruumka geeriyooday ayaa sheegay in uu falkaan uu ahaa
mid ka fog bini-aadinimada islamarkaana uu kala hadlay odayaasha dhaqanka gobalka
Bari ee Puntland kuwaas oo cadeeyay geerida Marxuumka.
Waxaa kale uu Xildhibaanku sheegay in falkaan uusan aheyn kii ugu horreeyay balse si
caadi ah dadka ka soo jeeda gobalada Koonfurta Soomaaliya, oo ay ugu sii daran yihiin
shacabka Koonfur Galbeed si wayn loogu dhibaateeyo Puntland
Idaacadda Daljir waxay aheyd Raadiyaha kaliya ee ku yaala Puntland ee baahiyay
tacadiga Booliiska, waxay baahinta warkaas ku muteesteen in 2 jeer ay Booliiska
weeraraan Xaruntii Daljir ee gobalka Bari, sidoo kalane ay agaasimaha Idaacadda
Axmed Sheekh Maxamed Tallman ku cadaadiyaan in uu is casilo sida ay noo sheegeen
masuuliyiin ka tirsan Booliiska Puntland.
Saacado kadib markii uu iscasilay agaasimihii guud ee Radio Daljir Axmed Sheekh
Maxamed Tallman si loo dhameeyo jahwareerka ay Idaacadda kala kulantay baahinta
warkaas waxay booliiska ay xireen agaasimihii iscasilay waxaana loo dhaa-dhiciyay
Xabisga magaaladda Garowe.
Shan maalmood oo uu xabsi ku jiray Agaasimihii Daljir waxa uu shalay ka soo muuqday
Warbaahinta waxa uuna raali gelin ka bixiyay warkii sababay xaragiisa, iyo weerarkii
lagu Idaacadda Daljir ay Booliisku ku qaadeen, waxa uu sidoo kale beeniyay sax-
ahaanshiyaha dilkii marxuumkii ku dhintay gacanta Booliiska.
Dad ku sugan magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe oo ka gaabsaday in aan adeegsano
magacyadooda iyo codkooda waxay Radio Kulmiye u sheegeen in agaasimihii Daljir lagu
qasbay beeninta warkii ay baahiyeen oo ahaa mid ku salaysan xaqiiqda.
Ururo u dooda xuquuqda warbaahinta ku sugan Garowe ayaa sheegay in ay xal u arkeen
go’aanka uu qaatay Tallman oo ahaa agaasimihii Radio Daljir oo ay weerareen Booliiska
Puntland.


