Somali News

Warbixin Daawo: mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaay oo maanta ka dhacay Awdheegle.

Muqdisho-KNN-Degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa maanta ka dhacay dagaal xoog leh oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidanka xoogga dalka oo muddo gacanta ku hayey degmadaas.

Al-Shabaab ayaa saakay weerar ku bilaawday qarax is-miidaamin ah ku qaaday saldhig ay ciidanka xooggu ku leeyihiin degmadaas, iyagoo qaraxa kaddib weerar dhawr jiho ah ku qaaday saldhigga.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Awdheegle ayaa sheegaya in Al-Shabaab dagaalkaas looga dilay in ka badan 50 dagaalame, waxeyna sheegeen Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka xoogga inay gacanta ku hayaan degmada Awdheegle.

Halkaan ka Daawo warbixin intaas ka faah-faahsan:-