Somali News

Warbixin:- Doorashada Jubbaland oo ku bilaabatay loolan iyo is maquunin

Muqdisho-KNN-Loolan adag iyo lagdan xeeladeeysan ayaa saansaantoodu ka bilaabatay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee jubbaland oo uu ka socdo u diyaar garoowga Doorashadda Madaxweynaha iyo xulista Baarlamaanka.

Waxa muuqata in durba uu hanaanku ku billowday diidmo, isjiid-jiid iyo ismaquunin. Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya ayaa markii u horreeysay waxaa ay soo saartay war saxaafadeed gaar ah oo ku saabsan hanaanka Doorashadda Maamulka Jubaland.

Sida ay dooneeyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa diidan oo kasoo horjeda sida uu doonayo Maamulka Jubbaland ee uu Hoggaaminayo madaxweyne Axmed Madoobe.

Musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha Jubbaland oo is baheeystay ayaa dhankooda waxa ay diidanyihiin dhamaan talaabooyinka diyaar Garowga Doorashadda ee uu wado Guddiga Doorashadda Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay in guddigu uu ku jiro Gacanta Madaxweyne Axmed Madoobe.

Hoos ka dhageyso Warbixinta oo intaas ka dheer:-