Somali News

Warbixin:-Hadal heyn xoog leh oo ka dhalatay hadalkii xanafta lahaa ee Sheekh Shariif

Muqdisho-KNN Hadal heyn aad u weyn ayaa ka dhalatay hadal uu shalay jeediyey mar uu kasoo laabtay magaalada Baladweyne Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheed ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kaas oo ahaa “Hadii dowladu ay ku dhaqmi weyso dastuurka iyo sharuucda dalka u yaalla dagaal ayaan dalka kaga saareynaa ,iyaga iyo Shabaabka waa isku mid” hadalkaas xanafta leh ee uu jeediyey Madaxweynihii hore ayaa abuuray guux siyaasadeed iyo in si deg deg ah dowladu u jawaabto.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo u jawaabaye Sheekh Shariif ayaa yiri “dowladu waxaa ay aad ula yaabtay hadii kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif,waxaana dowladu ugu yeereysaa in uu ka taxadaro wax walba oo dhaawici kara magaciisa iyo Sharaftiisa”.

Khilaafkan siyaasadeed ayaa yimid kadib markii shalay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif loo diiday in ay aadan magaalada Baladweyne oo ay u wadeen gurmad loogu talagalay dadkii ka barakacay fatahaad uu Wabbiga Shabelle ka sameeyey gudaha magaalada Baladweyne,islamarkaasina safarkoodii uu dib u dhac ku yimid,laakiin ugu dambeen hadafkoodii ay gaareyn.

Masuuliyiin hore iyo dadka falanqeeyo arrimaha siyaasada ayaa siyaabo kala duwan kaga hadlay hadaladii Madaxweynayaashii hore iyo jawaab kasoo baxday Dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Danjire Maxamed Caalin waa falanqeeyo ka faallooda arrimaha siyaasada Soomaaliya waxaa uu sheegay in loo baahnaa dowlada in iyadu kolka hore ay dhowrto sharciga mar hadii aysan jirin maxkamadii dastuuriga ee lagu kala bixi lahaa.

Hadaba su’aashu waxaa ay tahay Xaaladu hadii ay sidaan sii ahaato,gacan saddexaadna aysan jirin,yeey tahay in ay xalkeento?.

Bur-burkii kadib wali Soomaaliya ma aysan dhameystirmin hay’adaheeda Dastuuriga tusaale “Maxkamadii dastuuriga aheed” taas oo waqtigan oo kale loo baahan yahay in ay xal ka gaarto ismariwaaga taagan iyo Khilaafka Madaxda haatan talada dalka haya iyo kuwii hore u dhaxeeya.

Danjire Caalin oo aan su’aashaasi aanu weydiiney ayaa kaga jawaabay “Sida aad sheegeysid ma jirto maxkamad dastuuri ah,waxaa loo baahan yahay in madaxweynaha isagaa dalka ugu sareeyo in arinta uu xaliyo,dalkana uma baahan dagaal sokeeye oo hada ayaa laga soo kabsanayaa”.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ka war dhooraya halka ay saldhigan doonto khilaafkan isku badalay hanjabaada ee u dhaxeeya Madasha Xisbiyada qaran ee Mucaaradka ah iyo madaxda dalka.

W/Q:-Maxamed Cali Maxamed