Ma ahayn qorshe lagu farxay in shirkad gaar loo leeyahay lagu wareejiyo maamulka dekada Berbera Bishii saddexaad ee sanadka oo Xukuumada Maamulka ay ku wareejisay Shirkada Dp World ee laga leeyahay Dalka Imaaraatka, Maamulka ayaa shacabka u sheegtay in mashaariic balaadhan lagu fulin doono magaalada Berbera iyo marsada ay kasoo degaan badi alaabaha laga isticmaalo Somaliland iyo Itoobiya.
Shacabka ku nool magaalada Berbera waxaa ay wakhtigaasi si isku mida uga soo horjeesteen wareejinta maamulka dekada balse waxaa lagu qanciyay in shirkadaasi gacanta ku hayn doonto dekada 25sano ee soo socda. Iyadoo dagaal ka dhashey maalintii la wareejinayay dekada xarunta golaha wakiilada Somaliland oo ay isku farasaareen shirguddoonkii wakhtigaasi ee baarlamaanku.
Niyad jabka shacabku ka qabeen wareejinta marsada Berbera ee markii hore lagu dhiiraday ayaa lix bilood kadib Bishii u dambeysa muran soo kala dhex galay shaqaalaha dekada, ganacsatada waxa kala soo degto marsada iyo maamulka shirkada Dp World kaasi oo ku dhashey ammaro ay shirkadu kusoo rogtay dekada, sida in loo xidho qalab loogu talo galay dekada, in lacago lagu soo kordhiyo kirada koontiinarada intay ku jiraan barxada hore iyo khilaaf kale oo ka dhashey shaqaale ku dhintay dekada gudaheeda oo shirkadu diiday inay bixiso magtii lagu lahaa.
Ganacsatada wax kala soo degta dekada oo doraad warbaahinta kula hadlay magaalada Berbera waxaa ay sheegeen inay shaqo joojin bilaabeen oo ay wada shaqeyn Kari waayeen shirkadii xukuumada ku wareejisay maamulka dekada. Ganactadu waxay maalintaasi kadib joojiyeen shaqadii ka socotay dekada iyagoo aan waxba lasoo degin amma aan cashuuran afartii maalmood ee u dambeeyay.
Xisbiyada Mucaaridka Somaliland, aqoonyahanada, ganacsatada ku nool deegaanada maamulka Somaliland iyo shaqaalaha dekada waxaa ay si iskumida u cambaareeyeen maamul xumo ay sheegeen in shirkadu ka wado dekada oo ay kasoo horjeesteen, Xisbiga Mucaaridka ee Waddani waxaa uu sheegay in heshiiskaasi uu laali doono haddii ay ku guuleystaan doorashada sanadka ka dhacaysa deegaanada maamulka Somaliland.
Shirkadu waxay balanqaaday inay 400m ku kordhin doonto barxada hore ee dekada balse wali waxba lagama hirgalin qorshahaasi, waxa la dhimay shaqaalihii dekada ka shaqeyn jiray oo 1000 qof gaadhayay 221 qof oo laga eryay shaqadii ay dekada ka hayeen waxana imika shaqeeya 750qof. Shaqaalaha muruq maalku waxaa warbaahinta la hadleen dhowr jeer oo ay ka cowdeen in la siin waayay mushaharkii ay xaqa u lahaayeen.
Khilaafka ganacsatada iyo maamulka shirkada waxaa Madaxwaynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo maalintii Axadii magaalada Berbera u diray wasiiro xalinta khilaafkaasi soo kala dhex gala shirkada iyo ganacsatada xubnahaasi waxaa ka mid ahaa wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland, wasiir dawlaha amniga iyo sidoo kale wasiir dawlaha ganacsiga oo ka howl galay sidii dekada oo shaqadu ka joogsatay dib loogu bilaabi lahaa hawlaha shaqada loona xalin lahaa khilaafka soo kala dhex galay maamulka iyo shirkada dp world.
Wasiiradaasi waxay sheegeen in lasoo xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay ganacsatada iyo maamulka dekada Dp Wolrd ee ay shaqadu u joogsatay afartii maalmood ee u dambeeyay.Maanta ayaa dib shaqadii looga bilaabay dekadaasi oo aan shaqeyn afartii maalmood ee u dambeysay oo shaqaalaha, ganacsadata iyo gaadiidleydu ay shaqo joojin ku dhawaaqeen.
Shirkada Dp World waxaa lagu wareejiyay dekado ku yaala Soomaaliya iyadoon ogeyn xukuumada dhexe ee Federaalka halka heshiisyada lagu galay, dekadahaasi waxaa ka mida Berbera iyo Boosaaso oo maamulada ka taliya deegaanadaasi ayaa si iskood ah u wareejiyay, Waxaa kale oo shirkadu qorshenayso inay la wadaagto dekada Baraawe iyo Kismaayo oo ay wada hadalo la furtay maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.