Muqdisho-KNN-Tan iyo markii uu furmay Kal-fadhiga todobbaad ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa soo if-baxay khilaaf sayaasadeed oo la xiriira hanaanka qabashadda doorshada dalka.
Waxaana cadaadis xoog leh wajahaya Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo kaga imaanaya dhinacyada Siyaasadda Soomaaliya sida Dowlad gobaleedyada iyo Xisbiyada siyaasadda , kuwaasi oo ay hor boodayaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, iyagoo ku eedeynaayo in aysan cadeyn dawladdu mowqifkeeda doorshadda, inkastoo madaxweyne Farmaajo uu furitaanka baarlamaanka ka sheegay in doorashadda waqtigeeda ay ku dhaceyso.
Arinta muranka dhalisay ayaa ah in madaxweyne Farmaajo uu wali ku taaganyahay mowqifkiisa ah in dadka Soomaaliyeed ay iyaga dooran doonaan cida ay rabaan, taasi oo ay saamileyda siyaasadda Soomaaliya ay u arkayaan in marka la eego duruufta Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhinacyda ammaanka, wadashaqeyn la’aanta dowlada faderalka iyo dowlad gobaleedyada,Taasi oo ay dheertahay in muda xileedka hey’adaha dowlada ay galeen bilihii ugu dambiyey.
Halkan ka dhageyso warbixinta dhameystiran waxaa soo jeedinaya Weriyaheena Axmed Saciid Axmed