Somali News

Warbixin:-Maxaa ka soo kordhay dagaalkii ka dhacay Shabeellada Hoose.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerar ku bilaawday qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwa loo adeegsaday gaadiid, waxay ku qaadeen Saldhigga ay dagan yihiin Milateriga Soomaaliya oo ku yaala degaanka Ceel-saliini oo udhaxeeya magaalooyinka No. 50 iyo No. 60 ee gobalka Shabeelada Hoose.

Qaraxyada kadib ayaa Al-shabaab waxaa dagaal toos ku galeen Xarunta Ciidamada iyagoo muddo kooban kadib si buuxda ula wareegay Xerada, sida ay noo sheegeen qaar kamid ah Ciidankii ka badbaaday weerarkaas iyo masuuliyiin katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa weerarka qaaday Saakay aroortii hore, Xili ay hurdayeen Ciidankii ku sugnaa Xerada, waxayna ku dileen inkabadan 30 Askari iyadoo ay dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa la sheegay in halkaasi ay ka kaxeesteen Gaadiid dagaal oo gaaraya ku dhowaad 10 gaari oo nuuca dagaalka, waxaana ku jira qaar ay saaran-yihiin hub culus sida ay uu KNN u xaqiijiyay Sarkaal katirsan ciidan gurmad oo halkaasi gaaray.

Gaadiidka Al-shabaab qabsadeen ayaa lasheegay in ay kala yihiin Saddex Cabdi-bile, laba gaari uu ku xiran qoriga Suugga, laba gaari oo ay Saad ah oo isugu jira raashin iyo hub islamarkaana aan laga dejin, hal gaari oo booyad ah, sidoo kale waxaa jirta gaadiid kale oo ay Al-shabaab ku gubeen gudaha Ceelka Siliindi.