Muqdisho-KNN-Dhalinyarada 17-sano Jirada ee Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib wacdarihii ay ka dhigeen Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA waxaana loo sameeyay soo dhaweyntii ugu ballaarneed ee loo sameeyo Koox ka mid ah ka qeyb galayaasha Ciyaaraha sanadka 2018 ee CECAFA.
Xulka Qaranka ee 17-sano Jirada Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho “Aadan Cadde” waxaa ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, waxaana Xubnahaasi ka mid ah Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre.
Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayrre, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Qadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya C/qani Saciid Carab, Xildhibaano iyo Wasiiro kale ayaa garoonka uga hortagay Ciyaartoyda Soomaaliya ee 17 sano Jirada waxayna ahayd soo dhaweyntii ugu Balaarneed ee loo sameeyo Dhalinyaradii ka qeyb galay Koobka CECAFA.
Xulalka Qaranka Wadamada Tanzania iyo Uganda oo kala galay Kaalamaha 1-aad iyo 3-aad ma jirto wax soo dhaweyn ah oo loo sameeyay waxaana wadamada qaar ka dhacay xaflado koo kooban halka Xulka Soomaaliya loo dhigay Xaflado Ballaaran, waxaana ka mid ah Xubnihii ka qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Dad badan ayaa u arko inay kaga filneed dhiiri gelin Dhalinyarada Xulka Qaranka ee 17 sano Jirada soo dhaweyntii ay u sameysay Dowladda Soomaaliya iyo ka hor tagii Garoonka Diyaaraha ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayrre, sidoo kale waxaa jirtay soo dhaweyn kale oo weyn oo ay sameeyeen Wariyiyaal, Ururka Haweenka iyo Dhalinyarada taas oo aheyd waqti kale oo qurux badan waxayna ka dhaxleen Niyad dhis iyo garab istaag.
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Gaadiid Basas ah u diyaariyay Ciyaartooyda dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntooda qaabilsanaa Guddi ka socda gobalka Banaadir, Gaadiidka Basaska ah ee loo diyaariyay ayaa ahaa kuwa casri ah oo dhawaan lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya ujeedada ayaana aheyd in dhalinyarado ay dareemaan heerka Mudnaanta ay dalka ku leeyihiin.
Maxaa sababay iney Gaadiidka Bajaajta Raacaan ?
Shan ka mid ah Dhalinyarada 17 sano Jirada Xulka Qaranka Soomaaliya ee ku soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa shalay Gaadiidka Bajaajta loo yaqaano ka raacay Afafka hore ee Hotel Saxafi oo markii hore lagu keenay Basas uu diyaariyay maamulka Gobalka Banaadir.
Dhalinyarada Raacay Bajaajta oo la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa Sheegay inaysan Jirin Dowlad ama madax dayacday iyo soo dhaween xumi ay la kulmeen Balse Xamaasadda dadkii soo dhaweeyay ee Dumarka u badnaa iyo dhalinyarada ay sababtay in dadkii shacabka ahaa iyo Ciyaartooydii soo laabatay in Buux dhaafiyaan Gaadiidkii la diyaariyay taasina ay sababtay in shan ka mid ah Ciyaartooyda ay go’aan sadeen in Xaafadahooda oo dhaw ay ku tagaan Gaadiidka Bajaajta loo yaqaano.
Mid ka mid ah Dhalinyaradaasi oo Wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay inuu ku qanacsanaa Gaadiidkii uu raacay ee Bajaajta waliba uu door bidi lahaa inuu lugeeyo si uu waqti ula qaato Kumanaankii ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Muqdisho.
Halkaan ka dhageyso Wareysi ay la yeelatay KNN
Sidoo kale mid ka mid ah Ciyaartooydii Raacaday Bajaajta ayaa Bartiisa facebook ku soo daabacay in dad aan jecleen wanaaga iyo sharafta ay buun buuniyeen go’aankii ay qaateen oo ay ku raaceen Gaadiidka loo yaqaano Bajaajta balse aysan jirin cid dayacday isagoo u mahad celiyay Mas’uuliyiinta Qaranka Soomaaliya sida uu ku daabacay Bartiisa Gaarka ah ee Facebook.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalad Muqdisho ayaa sidoo kale Cambaareeyay warar lagu daabacay Baraha Bulshada kaas oo lagu sheegay in la dayacay Dhalinyaradii Ciyaartooyda ee Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17 sano Jirada, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Gobalka Banaadir uu diyaariyay Gaadiid u qaas ah dhalinyarada raalina ka aheyn Dowladda Soomaaliya in Bajaaj la saaro dhalinyarada.
Guddoomiyaha ayaa shalay sheegay inuu Baaritaan sameyn doono waxa sababay in Bajaaj ay racaan, Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Baaritaankii la sameeyay lagu ogaaday in aysan jirin daruuf dhalinyarada ku ka liftay inay Bajaaj raacaan balse ay aheyd rabitaankooda iyo ga’aan u gaar ah oo ay qaataan maamulka gobalka Guddigii ay u xilsaareen soo dhaweyntoodana aysan ku war gelin go’aankaasi ay qaateen 5-tii wiil ay raacay Gaadiidka Bajaajta ah.
Baraha Bulshada ee Internet-ka ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu daabacay warar lagu sheegayo in la dayacay dhalinyarada 17 sanao Jirada ee xulka Qaranka Soomaaliya kadib markii ay shalay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho, Internet-ka ayaa Gudaha Soomaaliya ka noqday meel loo adeegsado warar xumaan ah, sidoo kale waxaa jira dad Internet-ka u isticmaala inay xog ku gudbiyaan ama xog ka qaataan qadka Facebook ama ay eheladooda kala xariiraan.
Soomaaliya oo aan laheyn Dowladda leh Awood dhameestiran ayaa meelaha ay caqabadaha ka wajaheyso waxaa ka mid ah Wararka aan saxda aheyn ee lagu Baahiyo Baraha bulshada ku kulmaan ee Facebook, Whats app, iyo IWM ah.
W/D Xuseen Cabdulle Maxamed