Somali News

Warbixin: Maxay yihiin Caqabadaha ku hor-gudban Shirka ka dhacaya Dhuusamareeb?

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir deg deg ah isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb, 1 illaa 3 bisha Febraayo ee ina soo aadan.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xubnaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya lagu faray, in ay soo xaadiraan kulan wadajir ah uu madaxweyne Farmaajo kula wadaagi doono halka ay mareyso doorashada dalka, kaasi oo dhici doona 5 bisha Febraayo.

Hadda Madaxda Dowladda iyo kuwa dowlad gobaleedyada xal maka gaari karaan caqabadaha waa weyn ee ku hor gudban shirka doorashada markii ay isugu tagaan dhuusmaareeb?

Warbixin arrinkaasi ku aadan waxaa inoo diyaariyay wariyaheena Cabdullaahi Maxamed Cali.

Hoos ka dhageyso