Somali News

Warbixin: Shir maanta Muqdisho uga furmaya hoggaamiyeyaasha Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan teendhada Afsiyooni oo ku taalla xeyndaabka Xalane uu kulan guud ku dhex maro madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo wakiillada  beesha caalmka u qaabilsan Soomaaliya.

Shirkaan waxaa uu ku yimid cadaadis ay beesha caalamku saartay madaxda Soomaalida, kuwaas oo horay ugu guul-dareystay in shir ay u madax banaanyihiin ay isugu yimaadaan.

Sida aan xogta ku helnay shirkan waxaa iclaamiyey beesha caalamka, balse qoraal ka soo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in madaxweyne farmaajo uu iclaamiyey, hase yeeshee Puntland oo ka jawaabtay sheegashada madaxweyne Farmaajo ayaa shaacisay in beesha caalamka ay garwadeen ka tahay shirka maanta.

 balse  xukuumada soomaliya ayaa shegtay in shirkaan uu iclamaiyey madaxweyne farmaaho waxana arintaas ka horyimid maamulka puntland oo sheegay in qabsoomida shirkaan  ay leedahay beesha caalamak oo dadaal arintaas galisay .

Kulanakan ayaa maaanta looga hadlayaa muranka hareeyey doorashooyinka dalka iyo ajendaha shirka guud ee xalka kama dambeysta ah loogu raadinayo khilaafka doorashada.

Dhanka kale amaanka Teendhada shirka ayaa la filayaa in ciidamada AMISOM ay sugaan, halka ciidamada ay kala wataan hogaamiyayaasha shirka ka qayb-galaya ay uga soo tagi doonaan banaanka xarunta shirka, madaama ayt madaxda Puntland iyo Jubbland ka hor yimadeen in ammaanka xarunta shirka ay sugaan ciidamada dowladda federaalka.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye Yoonis Duraan Cali ayaa warbixintan nooga diyaariyey.