Uncategorized

Warbixin Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho

Galankii Dambe ee shalay ee Markii la ogaaday in dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay gudaha u galeen Hottelka Nasa Hablood 2 Ciidamadda Sida gaarka u tabaran ee Dowladda ayaa Howlagal ka dhex bilaabay hotel-ka Gudihiisa,  Ciidamadu  waxay Howlgalka ka soo bilaabeen dabaqa usa reeya iyagoo hoos ugu dagayay Qaybaha kale ee Hottel.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee gudaha Hottelka ka dagaalamayay oo Tiradooda lagu sheegay in ay Shan Ruux ahaayeen ayaa Qaybaha Hoose kottelka ka bilaabay dagaalka ay iyo Beegsiga Dadkii daganaa Hoteelka, Sida ay Shegeen dad la soo Badbaadiyay, dagaalamayaasha Al-shabaab waxaay Bombo ku Tuurayeen Qololka Hotelka ee ay Tuhmaan in ay ku jiraan Dad Nool.

Ciidamadda Amaanka ayaa ku guuleeystay in ay Soo badbaadiyaan dad badan oo ku jiray Hottelka, dadka Lasoo badbaadiyay waxaa ku jiray Masuuliyiin doowladeed iyo Dad Rayid ah o dumar iyo Carruur ay ka mid ahaayeen.

Dagaalka Ciidamadda Dowladda iyo Dagaalamayaasha  Al-shabaab ku dhexmaray Hotel-ka  Naasa hablood 2 waxaa uu Qaatay in ka badan 10 Saacadood oo sixiir ah ay u socdeen Rasaasta iyo Bombooyin ay Soo tuurayeen Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamaddii ku jiray Hottel ka Gudihisa iyo Kuwii Banaanka Joogay ayaa Mar qura ku baraarugay Rasaas ka Bilaabatay Banaanka Hore ee Hoteelka oo u dhexeeysay Ciidamadii joogay Banaanka Hotel ka iyo Sadax dagaalame oo kasoo baxay Hotel-ka.

Dagaalamayaashii Al-shabaab waxay isku dayay in ay u Baxsadaan Dhinaca Boondheere, Hase haatee Ciidamadda Dowladda Waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan 3-da dagalame oo ay ka dhamaatay Rasaastii ay ku Dagaalamayeen.

Afayeenka Wasaaradda Amniga Cabdi casiis Cali ibraahim Xillibaan ayaa sheegay in 3:15 AM Aruurnimo si Buuxda loo soo afjaray howlagalkii Ciidamaddu ka wadeen Nasahablood 2, islamarkaana la Qabtay Sadax Dagaalame Halka Dilay 2 kale.

Weerarka Naasa Hablood Qaybtiisa labaad Waxaa uu ku so Aaadayaa 14 Maalmood ka Dib Markii uu dhacay Weerarkii Muqdisho ka dhacay  14 kii Bishaan kaasi oo ay ku dhinteen Dad ka badan 412 Ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale.

Weerarkii Shalay  iyo kii 14 kii Bishaan ka dhacay Muqdisho waxay ka Mideeysanyihiin.

  • Maalinta oo Weerarka oo Sabti kusoo aaday.
  • Xilliga Weerarka oo ahayd Galab.
  • Waxyeeladda oo u badneeyd Shacab.

Waxayna ku kala Duwanaayeen.

  • Xajmiga Weerarka
  • Koox hubeeysan oo Qarax kadib Weerar Soo qaday.
  • Tirada Dhimashadda oo ka ayar imntii Hore