Somali News

Warbixin:DFS oo aan weli ku guuleysan xal u helista khilaafka arrimaha Galmudug

Muqdiho-KNN-Is jiid jiid siyaasadeed oo marba waji yeelanayay ayaa ragaadiyay dhisida maamul loo dhan yahay  oo ay Galmudug yeelato walina waxaa muuqata in ay jiraan kala aragti duwanaan siyaasadeed oo diidan yagleelida Galmudugta cusub.

Geediga Doorasho ee maamulkan oo soo bilaawday bishii june ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ayaa tan iyo xiligaasi waxaa socday shirar guud iyo kuwa gaar ahaaneed oo xal loogu raadinayay tabashooyin ay qabaan Ahlu-sunna wal jameeca,waxgaradka beelaha daga Galmudug iyo siyaasiyiin galaan gal siyaasadeed ku leh doorasho ka dhacda deegaanka.

Hoggaanka Dowladda Dhexe ayaa marar badan waxaa ay gaareen magalaada Dhuusamareeb iyaga oo wadahalo la furay Ahlu-sunna inkastoo ay dhowr jeer bur bureen wada xaajoodyadaasi, hadana ugu dambayn Ahlu-sunna waxaa lagu qanciyay in lasiiyo saami siyaasadeed oo dhan 20 xildhibaan oo ay baarlamaanka cusub ay ku yeelanayaan.

Gudiga farsamada Maamulka ayaa dhowr jeer ku fashilmay in ay hir geliyaan jadwalo ku saabsan habraaca doorashada oo ay isla iyaga soo saareen kadib caqabado lasoo gudboonayday kuwaa oo lagu qasbay in ay xal u raadiyaan.

Shaacir Sheegoow waxaa uu ka tirsan yahay Ahlu-sunna waxaa uu xaqiijiyay in dhinacooda ay kasoo bexeen doorkooda xal u helida cakirnaanta siysaadeed ee ka jirta Galmudug balse dhibaatada ugu wayn ee hada taagan ay tahay gudiga farsamada ay wax badan ay ka qaldan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Xirsi Iimaan oo ah falanqeeye siysaadeed oo kasoo jeeda Galmudug ayaa dhinaca kale waxaa uu qabaa in maamulka lagu dhisi karo oo kaliya in la dhagaysto odoyaasha beelaha deegaanka si fikrad midaysan loo qaato.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Maxamed Sabriye oo aynu isku daynay inaan la xiriirno ayaysan inoo suuro galin.

Inkastoo aan la ogaan karin halka xaalka uu ka dambayn doono hadana waxaa dad badan walaac ka muujinayaan baratanka u dhaxeeya mucaaradka iyo muxaafidka ee doorashada la xiriira in uu saamayn ku yeesho shacabka deeegaanada Galmudug ku nool.