Muqdisho-KNN-Muddo bilooyin ah waxaa jirtay in aad loo hadal hayay xanuun soo wajahay hogaamiyaha guud ee Al-shabaab Axmed Diiriye Abuu cubeyda marna ay soo baxeen warar sheegaya inuu geeriyooday , hase ahaatee waxaa haatan lagu waramayaa in mudadii uu xanuunsanaa hogaamiyaha Shabaab Axmed Diiriye, dabiib loogu geeyay isbitaalo ku yaala magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.
Gen Yuusuf Maxamed Siyaad indha cadde oo kamid ah saraakisha Milatiriga Soomaaliya horeyna uga soo mid ahaa Hogaamiyaashii maxkamadaha islaamiga ayaa mar uu idacada Kulmiye uga waramay waxyabaaha jira kadib dilkii Axmed cabdi Godane Hogaamiyihii Al-shabaab ee duqeynta lagu dilay, afar sano ka hor shalay oo kale sanadkii 2014-kii ayaa waxaa uu sheegay in Hogaamiyaha xigay Godane ee Abuu Cubeyda xanuunkiisa loo geeyay dabiib isbitaalada magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa oo uu kamid yahay isbitaalka Urdugan ex digfeer, isagoo ku daray in awooda shabaab ay tahay mid liidata, balse weerarada hataan ay u geysanayaan si aan la dhayalsan.
Waa mid layaab leh balse ay dad badan sheegayaan in ay tahay wax dhici kara mar hadii Hogaamiyaha Al-shabaab aaney dadka badankii aqoonin waji ahaan waloow ay jiraan sawiro aanu si wanagsan wajigiisa u muuqan oo la sheego inuu isaga yahay.
Sidoo kale hogamaiyaasha urur diimeedyada dagaalama ee guu ahaan caalamka ayaa ah badi kuwo la sheego in ay dhuumaaleystaan oo aan si dhab ah loo oegyn halka ay maraaan , ku noolaadaan iyo halka ku bixiyaan amarada hogaamin ee ururdadaasi.
Xitaa waxaa la tilmaamaa in xubnaha sare ee ay ururada xagjirka ah iskala tirsan yihiin aanay aqoon buuxda u lahyn hogaamiyaashaasi.
Usaama Bin laadin aas aasihii iyo hogaamiyihi u horeeyay ee Al-qaacidda ayaa halka lagu dilay waxay ahayd magaalada Abutabad ee dalka Bakitsan hoyga uu degandaa ayaana wax ka yar 5-km u jiray saldhig weyn oo mIltariga Baksitaan ku leyihiin magaaladaasi.
Ma ahayan wax si sahlan loo rumeysanayay in hpogamaiyaha guud ee Al-qaacidda uu magaaladaasi weyn ee gudaha bakistan deganyahay una sii dheer in ay inyar u jirto saldhig weyn oo milatriga Bakistaan leeyihiin.
Hadalka Gen Yuusuf indha cadde ee ku aadan in hogaamiyaha shabaab la geeyay isbitaalo ku yaala Muqdisho iyo Hargeysa ayaa imaanaya, iyadoo malamo kahor uu talihi ku xigeenkii Nabadsugida Soomaaliya Cabdalla cabdalla uu sheegay inuu tuhmayo xubno ka tirsan Al-shabaab in ay jabsdeen xafiiskii uu ku shaqeyn jiray ee hey’adda sidoo kale afar sano kadib dilkii Axmed cabdi Godane Hogaamiyihi shabaab ayaa uu hadalkan ku soo aaday.