Uncategorized

Wareegga 1aad ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo la soo Gaba-gabeeyay.

Jowhar-KNN-Wareegga 1aad ee doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa la soo gaba-gabeeyay waxaana u soo gudbay wareegga xiga ilaa afar Murashax halka afar kalane ay hareen.

Tirinta codadkii la sameeyay ayaa waxaa ku horeeya Murashax  Maxamed Cabdi waare iyadoo sidoo kale ay soo gudbeen Daahir Cabdulle Caawale , Cabdi faarax laqanyo  iyo C/naasir Xaaji Shirwac.

Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkaan u tartamaya markii labaad waxaana doorashadii tan ka horeysay kaga guuleestay Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.

Murashax waare ayaa helay 44 cod, Daahir Cabdulle Cawaale ayaa helay 20 cod, Cabdi Faarax Laqanyo ayaa helay 6 cod halka C/naasir Xaaji Shirwac uu helay 6 sidoo kale 16 cod ayaa halaabay sida ay shaaciyeen Gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Waxaa hada socdo codeynta wareegga  2aad ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ay usoo gudbeen ilaa afar Murashax.

La soco wixii ku soo kordho.