Somali News

(Wareegto)Madaxweynaha Puntland oo Taliye Magacaabay.

Muqdisho-KNN-Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali  Gaas ayaa Cumar Cabdullaahi Faraweyne u magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Puntland.

“Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 2 October 2018 Waxaa uu magacaabay Taliyaha Ciidanka  Kaydka Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.

2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-