Uncategorized

Wariyayaal lagu jirdilay Golaha Shacabka.

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goor-dhaw jirdil u geestay Wariyayaal ka tirsan Shaqaalaha Warbaahinta magaalada kuwaas oo shaqo u tagay xarunta Golaha Shacabka.

Wariyayaasha Jirdilka loo geestay oo qalabkooda la qaatay waxaa ka mid ah Shaqaale ka tirsan Telefishinka Kalsan Xaruntiisa magaalada Muqdisho.

Qaar Wariyayaasha oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyay in amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha lagu amray in Saxaafada laga joojiyo Shaqada Tabinta ee Golaha Shacabka.

La soco wixii ku soo kordha.