Somali News

Wariye Axmed Khaliif Geedi oo lagu xiray Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Ciidamada amaanka magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa maanta xabsiga dhigay Wariye Axmed khaliif Geedi oo ka tirsan Telefishinka RTN ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Wariyaha ayaa la sheegay in Ciidamada ay ka qabteyn magaalada Gaalkacyo kadibna ay xireyn, Wariyaha Idaacadda kulmiye ayaa soo sheegaya in Wariyaha loo xiray warar uu kasii daayay Telefishinka RTN kuwaas oo ku saabsanaa isbaarooyin la soo dhigtay meelo ka mid ah Gobalka Mudug.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka Galmudug ayaa KNN u sheegay iney baarayaan oo ay jawaab ka bixin doonaan Wariyaha la xiray iyo sababta loo xiray.