Uncategorized

Wariye Boqorka Bartamaha iyo Maxaabiis kale oo maanta laga soo daayay Itoobiya.

Nairobi-KNN-Waxaa goor-dhaw Garoonka diyaaraha ee magaalada Nairobi ka degay Wariye Maxamed Aweys Muudey “Boqorka Bartamaha” tiro kale oo maxaabiis Soomaali ahaa kuwaas oo muddo dheer ku xirnaa Dalka Itoobiya.

Boqorka Bartamaha oo magaalada Nairobi kula hadlay Saxaafadda ayaa u sheegay in saakay uu ka dagayo Muqdisho, waxa uuna u mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha Dalka oo waqti badan ku bixiyay sidii loo soo celi lahaa Maxaabiista Soomaalida ee ku xirnaa Dalkaasi.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa xiligaan waxaa ku sugan wariyiyaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo soo dhaweyn doona Maxaabiista Soomaalida ee ku xirnaa dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu guuleesatay soo deynta Maxaabiis badan oo ku xirnaa wadanka Itoobiya.