Somali News

Wariye Coldoon oo mar kale ay maxkamad xukun ku riday.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa ayay Maxkamadda racfaanka waxey tan gobolka Maroodi-Jeex ku raacday xukunkii saddexda sano iyo lixda bilood ee ay horay ugu riday Coldoon.

Wararka ayaa sheegaya .

Fadhiga maxkamadda ayaa la sheegayaa in uusan joogin Qareen eedaha ka difaaca Wariye Coldoon, taas oo ay walaac xoogan ka muujiyeen qoyskiisa iyo dadkii sida dhaw ula socday kiiskiisa.

Coldoon oo xabsiga ku jira in ka badan 6 bilood ayaa loo heystaa eedeymo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland iyo Dusiga Abaarso ee Hargeysa ku yaalla.

Dhinaca kale Qareenkiisa ayaa is casilay dhawaan isaga oo sheegay in Soomaaliland aanu ka jirin sharci madax banana oo garsoor.