Uncategorized

Wariye Cusmaan Maxamed Aadan oo maalintii Saddexaad u xiran Maamulka Ahlusunna.

Dhuusamareeb-KNN-Cusmaan Maxamed Aadan oo ka tirasn Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan Telefishinka Qaranka ayaa maalintii Saddexaad u xiran Maamulka Ahlusunna oo ka taliya kaliya 3 degmo oo ka tirsan Gobalada dhexe kuwaas oo Muddooyinkii la soo dhaafay Caburin ku haayay warbaahinta iyo Bulshada kale.

Wariye Cusmaan ayaa ahaa wakiil wareedka TV-ga ee Degmada Guriceyl waxaana degmadaasi hore ka masaafuriyay Maamulka Ahlusunna oo ku eedeeyay in uu baahiyay warar aysan raali ka ahayn waxaana la sheegay hada markii la xirayay in uu booqosho u aaday Qarabadiisa sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wariyaha la xiray ayaa loo soo wareejiyay degmada dhuusmareeb ee Xarunta Galgaduud waxaana la sheegay in loo xiray Qoraal aragtidiisa ku saabsan ee uu soo dhigay Bartiisa Facebook mudadii uu ka maqnaa deegaanada Ahlusunna Islamarkaana ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Ahlusunna ayaa ah maamul ka taliya degmooyinka dhuusamareeb, Guriceyl iyo Matabaan waxaana dadka deegaanadaasi ku nool ay kala kulmayaan Cadaadis badan iyadoo lagu eedeeyay in ay deegaanka ka hor istaageyn wax kasta oo muhiim u ah shacabka.