Muqdisho-KNN-Wariye Xuseen Cabdule Maxamed oo ka tirsan Shabakadda wararka Kulmiye ayaa maanta iyo marar hore waxaa uu tacaddi kala kulmay askar ka tirsan milatariga Soomaaliya.
Jirdil iyo hanjabaad hore oo uu Xuseen dhowr jeer la kulmay ayaa maanta isaga oo ku soo wajahan xarunta KNN si uu waajibkiisa shaqo u guto, waxaa rasaas hareer martay ku riday askari ka tirsan Militariga Soomaaliya, kaasi oo ilaalo u ahaaGen Saney Cabdulle.
Weriyaasha iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa inta badan waxaa ay la kulmaan Tacadiyo ay u geystaan Askarta ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hadaba Warbixintan oo dhameystiran Halkan ka Dhageyso