Somali News

Wariye ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo goor-dhaw lagu dhaawacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa goor-dhaw magaalada Muqdisho ku dhaawacay Wariye Farxiyo Mire oo ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay KNN u sheegay xubno ka tirsan Wasaaradda iyo Goob joogayaal.

Koox hubeysan ayaa la sheegay iney Gabadha ku dhaawacayn agagaarka Isgoyska dabka waxaana la soo sheegayaa iney ka tirsan Qeybta Radio Muqdisho ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada ay qabteyn kooxdii dhaawacday Gabadha oo ku hubeesnaa Bastoolad hadana ay baarayaan Ciidamada amniga Soomaaliya, ma jirto faah faahin intaan dhaafsiisan oo ay ka heshay KNN wararka ku saabsan dhaawaca Farxiyo Mire.