Lafoole-KNN-Alle ha u Naxariistee Jacfar Cali Daacad oo ka tirsanaa Wariyaasha gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay Weerarkii ka dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah Shaqaalaha Idaacad lagu magacaabo Dayax oo ku taala Afgooye ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in Marxuum jacfar soo gaaray dhaawac culus waxaana ugu dambeyntii ku dhintay Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Waxaa la sheegay in ay ku dhaceen dhowr Xabadood oo kaga dhacay dhanka Madaxa waxayna ku noqdeyn dhaawac culus oo markii dambe u geeriyooday.