Somali News

Wariye maanta lagu xiray Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wariye Cali Aadan Muumin oo ka howlgalayay Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa saakay la xiray.

Qaar ka mid ah Wariyaasha Goobjoog ayaa KNN u xaqiijiyay in Suxufiga galinkii danbe ee shalay la soo gaarsiiyay Warqad sheegeysa in dacwadi ka taalo Xarunta Dembi Baarista Booliska ee CID-da.

Wariye Cali Aadan ayaa la sheegay in saakay 9:30am uu tagay Xaruntii looga yeeray ee ICD-da, markii uu gaarayna waxaa loo sheegay inuu xiran yahay, waxaana la ogeyn sababta loo xiray.

Ma jirto cid ka tirsan Hay’adda dambi baarista Booliska Soomaliyeed oo ka hadashay arrinta ku aadan xariga Suxufigaan, balse Suxufiyiinta ku nool Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xariga loo geystay.

Wariye Cali Aadan Muumin ayaa bartiisa Facebook-ga si dhaqsiya ugu daabi jiray dhacdooyinka ka dhaca Muqdisho iyo gobolda kale ee dalka.

Hoos ka Akhriso Warqadda:-