Uncategorized

Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo lagu Aasay Qabuuraha Barakaad Ee Muqdisho

Muqdisho–KNN–Alle ha u naxariistee waxaa Maanta lagu Aasay Qabuuraha Barakaad Ee Magaalada Muqdisho Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow oo ka mid ahaa Wariyaasha Tv-ga Kalsan oo Shalay ku dhintay Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo xilli uu marayay Qeybo ka mida Degmada Wadajir.

Aaska Marxuunka  waxaa ka qeyb galay Wariyiyaal,Xubno ka tirsan Ururka Saxafiyiinta Qaranka ee NUSOJ, maamulka Gobalka Banaadir, Ehelada Marxuumka iyo Mas’uuliyiin kale waxayna dhmayntood Alle uga baryeen Naxariistii Janno in uu alle ka waraabiyo.

Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay goobtii Aaska loogu sameynayay Marxuumka ayaa sheegay Sababta loo dilay Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow ay ahyed shaqada uu u haayay Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna laamaha amniga ka dalbaday in la soo qabto dadkii ka dambeeyay dilkaan.

Afayeenka maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ay sameyn doonaan Baaritaano dhab ah oo lagu baarayo dadka dila Saxafiyiinta ku nool magaalada Muqdisho, waxa uuna Wariyiyaasha ka dalbaday in ay taxadar muujiyaan madaama uu batay weerarada ka dhanka ah.