Somali News

Wariyeyaal dhimasho iyo dhaawac ku noqday madaafiic ay Israa’iil ku garaacday Xadka ay la wadaagto Lubnaan.

Israa’iil ayaa madaafiic ku garaacday goob ay ku  sugnaayeen saxafiyiin caalami ah oo ku taalla xadka koonfurta Lubnaan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca lix kale oo dhammaantood wariyeyaal ah.

Wariyaha geeriyooday ayaa ahaa Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press, Saxafaiyiinta dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla Lubnaan. 

Laba wariye oo ka tirsan Telefishanka Aljazeera ayaa kamid ahaa Saxafaiyiinta dhaawacmay.

Dhammaan Wariyeyaasha ayaa soo tabaniyay xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Lubnaan.