Somali News

Warmurtiyeed laga soo saaray shir lagu heshiisiinayay beelo dega Mudug

Muqdisho-KNN-Laba kamid ah Beelaha Gobolka Mudug oo maalmaha Shir Nabadeed uga socday Degaanka Bandiiradleey ee gobolkaasi ayaa maanta oo Sabti ah War-murtiyeed ka soo saaray shirkaasi.

War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in Shirka lagu go’aamiyay in laga heshiiyo colaaddii mudada dheer u dhexaysay labada beelood islamarkaana nabad waarta laga hirgeliyo deegaanka.

Shirka waxaa ka qayb-galay waxgaradka iyo isimada labada dhinac oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ku matala labada beelood ee shirka yeeshay.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wejiga labaad ee shirka nabadaynta 20-June 2020 lagu qaban doono degmada Galdogob ee gobolka Mudug si loo sii dhammaystiro arrimaha ka harsan nabadaynta.