Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Isku dhacyo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawacyo.
Ciidamada Dagaalamay ayaa ka kala tirsan Kumaandooska Soomaaliya ee ka tirsan milatariga iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 7 qof oo isugu jira Ciidamadii dagaalamay iyo Shacab ka agdhawaa Isgoyska oo rasaasta ay haleeshay.
Sidoo kala waxaa jira warar kale oo sheegaya in uu jiro dhimasho soo gaartay dhinacyadii dagaalamay, dad joobjoogayaal ah ayaa sheegay in uu dagaalkaas ku geeriyay ku dhawaad laba Askar oo dhinacyadii dagaalamay ah.
Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ay jiraan isku dhacyada Ciidamada waxayna cadeeyeen in uu ka dhacay Inta u dhaxeysa Tarabuunka iyo Isgoyska Warshadda Caanaha ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadii NISA ee fadhiisimaha ku halaa Isgoyska Tarabuunka ayaa laga ceyriyay fadhiisimahoodii, waxaana Isgoyska Tarabuunka iyo Xaafadaha ka agdhowba ka soocnaya Howlgalo baaritaano ah oo ay sameynayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada.
Saacado kooban ayaa waxaa hakad ku yimid isku socodka, dadka gaadiidka iyo ganacsiga, iyadoo hadda la soo sheegayo xaalada Isgoyska Tarabuunka in ay Caadi ku soo laabatay.
Afayeenka Wasaarada Amniga ee Xukumada Fedraalka Soomaaliya Cabdicasiis Cali Ibraahim oo la hadlay KNN ayaa sheegay in ay wadaan Baaritaan ku aadan sababta dhalisay ama ka dambeysa iska hor imaadkaas u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Dowlada ee Maanta ka dhacay isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir, isla markaana Warbaahinta dib ay kala soo wadaagi doonaan arintaasi oo faahfaahsan.