Uncategorized

Wasaarada amniga oo beenisay in hub laga bixiyay xerada J.Gordan lagu iibiyo Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wasaarada amniga xukumadda fedraalka Soomaaliya ayaa beeniyay sax ahaan shaha hub la sheegay in laga bixiyay xerada tababarka ee Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho.

Af-hayeenka wasaarada amniga Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warkaas uusan aheyn mid sax ah isla markaana ay loo haynin cadeymo muujinaya in hubkaas laga baxay xerada Janeraal Gordan.

Warbixin dheer oo ay qortay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu sheegay in magaalada Muqdisho si caadi ah loogu iibinayo hub laga qaaday xerada ay dawlada Imaaraatka Carabtu ku tababartay askar Soomaali ah.

Wakaaladda wararka Reuters waxaa ay sheegtay ayadoo soo xiganaysa dad hubka ka ganacsada in suuqyo ku yaala magaaladda Muqdisho lagu iibiyay hub gaaraya 6 illaa 700 oo qori oo nooca AK 47 ah kuwaasoo ay wakaaladu sheegtay in ciidamo ka qaateen xerada Jen Gordon oo Imaaraatku maamuli jiray.

Qaar ka mid ah qoryaha lagu arkay suuqyada Muqdisho ee ay iska iibiyeen ciidamadii Imaaraatku tababaray waxaa ku jira qoryo cusub Shiinaha lagu farsamayeeyay sida ay ku waramayso wakaaladda aanu xiganayno ee Reuters.

Ganacsatada ayaa sheegay in qiimaha qoriga Ak ah oo suuqyada Soomaaliya hadda ka jooga lacag gaaraysa 1,350 Dollar waxaa askarta laga siiyay 700$ oo kaash ah sida laga soo xigtay qof ay wakaaladdu magaciisa ku sheegtay Jaamac Cali oo hubka ka ganacsada.

Sida wakaaladda Reuters sheegay qoryahaan waxaa ku sumadaysan oo ku dul qoran Xarafaha “SO, XDS” oo laga soo gaabiyay ciidanka Xooga dalka Soomaaliya taasoo ka dhigan inuu yahay hub loogu talo galay ciidanka Soomaaliya.

Todobaadyo ka hor ayey aheed markii warbaahinta gudaha ay shaaciyeen in la boobay hub yaalay xerada Jeneraal Gordan, laakiin saraakiisha ciidamada xooga ay beeniyeen warkaasi sheegayay in xeradaas hub lagala baxay.

Sidoo kale todobaadkaan ayaa xeradaas waxaa ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada kadib markii qaar ka mid ah ciidamadii ay tababartay Imaaraadka la sheegay in ay isku dayeyn in ay jabsadaan Bakhaaro hub ay ku keedsanyihiin ee Xerada Generaal Gordan laakiin Ciidamo kale ay ka hor istaageyn isku daygaasi.