Uncategorized

Wasaarada amniga oo war ka soo saartay Rasaas lagu riday xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Muqdisho-KNN-Wasaarada amniga xukumadda fedraalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xabad uu Askari ka tirsan Ciidamada amniga uu ku riday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo dhacday 23-bishaan May kana dhacday barta koontaroolka ee Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM 0 ee Magaalada Muqdisho.

Xildhiabaan  C/llaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ciidamada amniga waxay xabad kor ugu rideen Xildhiabaanka oo marayay Koontaroolka Ciidamada amniga ay ku leeyihiin agagaarka KMO.

“Waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taasoo askari ka tirsan ciidamada uu kor ugu riday digniin ahaan xildhibaanka, kadib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool”. Sidaas waxaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaarada amniga.

Waxaa sidoo kale Qoraalka lagu yiri Wasaaradda Amniga waxay caddeyneysaa in ay billowday baaritaan dhacdadaas la xiriir.

Ciidamada amniga waxa ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaaca Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan.

Ciidamadu waxay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowlada, isla markaana dhowraan xasaanadda Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

Wasaaradda Amniga waxay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqeysaa dhammaan Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah ciidamada oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowladnimada.