Uncategorized

Wasaarada beeraha Somalia oo wado Qorsho lagu diiwaan gelinayo Hay’ada NGO-yada ee Howlgala Dalka

Maxamed cali xasan  wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha ee xukuumada soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan hey’adaha aan doowliga ahayn,islamarkaana aan ka diiwaan gashneeyn Wasaarada ee ka howlgala  dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in ay jirto nidaam daro iyo is dhexyaac hey’ado badan oo aan dowlada u diiwaan gashneeyn oo qabta shaqadii wasaarada beeraha.

Waxaa uuna  carabka ku dhuftay in ay  wax ka qaban doonaan,islamrkaana ay wadaan qorsho lagu diiwaan gelinayo Hay;adaha NGO-yada

Soomaaliya  ayaa waxaa ka howlgala hey’ado badan oo aan dowli ahayn,kuwaas oo inta badan la tilmaamo in aysan soo marin wadadii sharciga ahayd ee lagu diiwaan galin lahaa NGO-yada