Uncategorized

Wasaarada Boostada oo Muqdisho ka hir-gilineysa xarun leysku weydaarsado Interner-ka

Muqdisho-KNN-Kulan ay soo qaban qaabiyeen Mas`uuliyiinta Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ee Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo looga hadlayay Barnaamij ku aadan Internetka, ayaa Wasaarada waxay sheegtay in ay diyaariyeen dhismaha xarun Internet oo fudadeyn doonto Isweydaarsiga xogaha Internetka.

Wakiillo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta, internetka, dalladaha jaamacadaha, xirfadleyda teknoolojiyada, iyo dawladda, ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabaan inay ku soo biiraan MogIX.

Kulankaan oo muddada socdoono ayaa wakiilladu waxay ka doodi doonaan qaabka ugu wanaagsan ee xaruntan loo maamuli karo, iyagoo ugu dambeynta sameyn doona guddi ku-meel-gaar ah oo maamula xaruntaas.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Cabdi Cashuur Xasan, oo furay aqoon-is-weydaarsigan, ayaa in dhismaha MogIX uu ka mid ah yahay qorshayaasha ay Wasaaraddu ku dhiseyso kaabayaasha isgaarsiinta dalka, isla markaana uu wax weyn ku soo kordhin doono isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka.

“Wasaaraddu way awoodday in qalabkan lagu rakibo dhismaha Wasaaradda oo maamulkeeda aan 100% hayno, shirkadahana aan u sheegno inay ku soo xirmaan. Laakiin waxaan dooneynaa inay noqoto adeeg la wada leeyahay oo yaalla meel dhexdhexaad ah oo la wada horumariyo. Wada-tashi iyo kalsooni ayaan ku xaqiijinay waxyaabihii noo qabsoomay 12kii bilood ee la soo dhaafay, jidkaas

Nishal Goburdhan oo ah khabiir ku takhasusay dhismaha IXPs oo ka socda Hay’adda Packet Clearing House (PCH) oo dalal badan ka caawisa dhismaha xarumahan oo kale, ayaa sheegay in xaruntan ay sare u qaadi doonto adeegyada kala duwan ee u baahan internet, faa’iidooyinkeedana ay wada dareemi doonaan shirkadaha iyo dadweynahaba.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ku guuleysatay ansixinta sharciga isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo la-soo-wareegidda astaanta qaranka (dotSO). Dhismaha xaruntana wuxuu hordhac u yahay dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo u furan shirkadaha oo dhan.