Uncategorized

Wasaarada Gaashaandhigga oo ciidamo dhax dhaxaadin ah u dirtay maleeshiyo ku dagaalamay degmada Dayniinle.

Muqdisho-KNN-Saraakiisha ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo ay kala dhax dhigeyn maleeshiyaad qaab qabiileed u abaabulnay oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku dagaalamayay aga gaarka Haanta dheer degmada Dayniile ee gobolkaan Banaadir.

Mid ka mid saraakiisha ciidamada xoogga gaar ahaan kuwa ku howlan dhax dhaxaadintaan oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu kala qaadayo maleeshiyaadkii maalmihii dambe ku dagaalamayay xaafado ka tirsan degmada Dayniinle ee gobolkaan Banaadir, wuxuu sidoo kale sheegay in Ciidamadaan laga soo diray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sargaalkaan ayaa sidoo kale tilmaamay in ay dib ugu kala ciliyaan maleeshiyaadkii dagaalamay Qoryo iyo agab kale oo muddadii dagaalka uu socday leys kaga fara maroogsaday, sidoo kalana xal laga gaari doono dhimasho iyo dhaawac laba dhinac soo kala gaartay.

Dad deegaanka ayuu saameyn balaaran uu ku yeeshay dagaalkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay xaafada Haanta dheer degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo qaar kood barakacay.