Muqdisho-KNN-Xilli maanta gudiga gurmadka qaraxii ka dhacay muqdisho ay warbaahinta u soo bandhigayeen Akoono ay bulshada somaaliyeed ku taageeri karaan dadkii uu saameeyay qaraxii weynaa ee ka dhacay ayaa wasaarada gargaarka ee xukuumada Somalia waxaa ay sheegtay in ay wadaan qorshe looga hortagayo masiibooyinka iyo qaran iyo sidii loogu gurmadi lahaa.
Wasiirka wasaarada arimaha gar-gaarka Marwo Maryan Qaasim Axmed ayaa waxaa ay sheegtay in dhawaan ay golaha wasiirada horgeyn doonaan sharciga maareeynta masiibooyinka qaran oo ay kamid tahay dhisida xarunta gudiga gurmadka qaran iyo furidda sanduuqa maareeynta masiibooyinka qaran.
Dhinaca kale senator jawaahir axmed cilmi oo ka tirsan aqalka sare ee dalka ayaa waxaa ay shacabka somaliyed eek u nool gudaha dalka iyo dibadaba ugu baaqday in ay ka qeybqaataan gurmadka qaran iyo taakuleynta dadka ay saamesay masiibadi ka dhacday muqdisho iyadoo ka dalbatay in ay ku tabarucaan lacago soona marsiiyaan gudiga gurmadka qaran
Qorshaha ay sheegtay wasaarada arimaha gar-gaarka ayaa hadii la horgeeyo golaha wasiirada iyo baarlamaanka lana meel mariyo waxaa ay in badan wax ka tari doontaa hadii ay dhacdo masiibo in si fudud loogu gurmado oo aysan noqon mid masiibada kadib lagu baraarugo.