C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya ayaa Sharaxaad ka bixiyay qorshaha ay Dowladda wado oo ah soo daabicista lacago cusub.
Waxa uu sheegay Wasiir Bayle in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay lacago cusub soo daabacdo islamarkaana ay ka shaqeynayaan hormarinta lacagahaasi, isaga oo sidoo kale tilmaamay in tirada lacagaha la soo daabacayo la isku afgartay balse ay socdaan qorshaha lagu daabici lahaa oo keliya.
Wasiirka ayaa sheeegay in Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Bankiga Aduunka ay socdaan qorshe lacago cusub lagu soo daabacayo.