Uncategorized

Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya oo sedax qodob kala hadashay IGAD

Muqdisho-KNN-Xubno ka socda Wasaaradda Qorsheynta xukumadda fedraalka Soomaaliya iyo wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD oo ku kulmay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin howlaha horyaala Wasaaradda iyo sidii IGAD qorshayaasha ay ka fulineyso Soomaaliya ay Wasaarada ay u soo marsiin laheed.

Xubnahaan ka socday Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya ayaa sedax qodob dul dhigay urur goboleedka IGAD, kuwaas oo ay ku dalbanayaan waxkasta oo ururka ka sameynayo deegaanada Soomaaliyeed  in lagu war giliyo Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya.

Sidoo kale Mas`uuliyiintaan ka socday Wasaarada Qorsheynta ayaa soo jeediyay in la qabto kulan deg deg ah oo dib loogu eegayo Mashaariicda uu Ururka IGAD ka fuliyay Soomaaliya.

1: Waxkasta oo IGAD qabanayso ama qaban doonto isla mar ahaantaasna khuseeya Soomaaliya lana xiriira dhanka mashaariicda in lasoo marsiiyo Wasaaradda Qorshaynta.

2: In qaybaha kala duwan ee IGAD toos ugu xirmaan Wasaaradda Qorsjaynta.

3: In deg deg loo qabto kulan layskula eegayo nuxurka qaar kamida Mashaariicda IGAD ka waddo Soomaaliya.