Uncategorized

Wasaarada warfaafinta ee dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada oo ku shiraya Garowe

Muqdisho-KNN-Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa, ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda C/raxmaan Iidaan Yoonis oo  la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka Wasiirada Warfaafinta heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka socda magaalaa Garoowe diirada lagu saarayo shan Qodob oo muhiim ah.

“Shirka wasiirada warfafinta iyo ergooyinka kaladuwan ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shalay ka furmay Garowe wuuna socda,5 Agende ayaa looga hadlayaa waxaa shantaasi qodob ay kala yihiin,dhisidda gudiga wacyigelinta iyo dhameystirka istiraatiijiyada wacyigelinta,waxaa sidoo kale laga hadlay akhbaareynta xarunta dhexe ee warbaahinta,oo warbaahinta qaranku ay yeelanayso xarun wax soo saara,welina wuu socdaa shirkaasi”. ayuu yiri Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis

Shirkan oo shalay magaalada Garoowe ka furay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ayaa socon doono mudo 4-maalmood,waxaana inta uu socdo ka qeyb galayaasha ay isla meel dhigi doonaan sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya horumarinta warbaahinta Soomaaliya,iyadoo ay iska kaashanayaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.

Geba gebada shirkaasi oo daba socda shir horey uga dhacay Muqdisho ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsan hannaanka loo mari karo horumarinta warbaahinta Dalka si loo helo wacyigelin guud ee bulshada Soomaaliyeed.