Uncategorized

Wasaarada Waxbarashada oo sheegtay tirada ardayda sanadkaan u fadhiisaneysa imtixaanka dowlada

Muqdisho-KNN-Wasiirka wasaarada waxbarashada xukuumadda fedraalka Soomaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan oo shir jaraa`id ku qabtay magaalada Muqdisho oo ka hadlay arimo la xariira imtixaanka dowlada iyo tirada ardayda sanadkaan u fadhiisaneysa imtixaanka ayaa sheegay in sanadkaan imtixaanka mideysan ee dowladda Soomaliya ay u fadhiisan doonaan in kabadan 27,000 oo arday.

Ardayda sanadkaan imtixaamka u fadhiisaneysa ayuu ku sheegay inay yihiin kuwa ugu badan tan iyo markii labi laabay imtixaamka midaysan ee dowlada.

Cabdiraxmaan Daahir Cismaan wasiirka wasaarada xukumada fedraalka Soomaaliya ayaa hoosga ka xariiqay in dhamaan ardayda wax ka barta gobolada dalka ay ka qeyb qaadan doonaan imtixaankaas, wuxuuna sheegay in ay diyaariyeen 80 xarumood oo ku yaala gobolada dalka kuwaas oo ay u qorsheeyeen in lagu galo imtixaanadaasi.

Imtixaankaan ayaa sanadkaan waxuu noqonayaa sanadkii seddaxaad oo loo fadhiisto imtixaanka midaysan ee dowladda, iyadoona ay noqaneyso sanadkaan ardaydii ugu badneyd abid ee u fadhiista imtixaamka ay diyaarisay wasaarada waxbarashada ee xukuumadda Soomaliya.