Somali News

Wasaarada Waxbarashada oo soo saartay Ogeysiis ku saabsan Imtixaanka

Muqdisho-KNN-Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa Ardayda Dugsiyada sare ee sanadkaan u fadhiisaneysa Imtixaanka Dowladda waxa ay ku war galisay in loo diyaariyay kaararka aqoonsi oo ay ku gali lahaayeen Imtixaanka.

Qoraal lagu daabacay beyjka Wasaarada ayaa Ardayda is diiwaan galisay waxaa lagula dardaarmay in ay ugu danbeyn kaararkooda soo qaataan maalinta khamiista ah ee soo socota 09/02/2019.

“Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan ardayda isdiiwaan galasay imtixaanka sanad dugsiyeedka 2018/2019/ in ay kaararkooda  aqoonsiga ay ka doontaan  iskulladooda ama dugsiyadooda sida ugu dhaqsiyaha badan”.

Halkaan ka Akhriso:-