Uncategorized

Wasaaradda Aminiga oo ka Hadashay Qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 14 Qof ayaa ku dhintay Qaraxii Galabta ka dhacay Wadadda Maka Al-Mukarrama gaar ahaan meel u dhow Hotel Weheliye, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Sacadihii dambe ee galabta ayaa Gaari lagu soo xiray Qarax waxaa uu ku Qarxay Waddadda mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama, Goobjoogeyaal ayaa sheegay in gaariga uu waday ruux ismidaamiyay, islamarkaana uu soo istaagay meesha uu ku qarxay Daqiiqaddo ka hor.

Dadka waxyeelladu soo gaartay waxaa ay u badanyihiin Shacab, sidoo kale Gawaari iyo Mootooyin ayaa ku gubtay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Afayeenka wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim ayaa Warbaahinta u sheegay in 14 qof ay Qaraxa ku dhinteen 8 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maalmahan Muqdisho waxaa ka socday Howlgal amniga lagu sugayo, laakiin wali waxaba iskama badalin qatarta shacabku uu wajahayo.