Uncategorized

Wasaaradda Amniga ee Puntland oo ka digtey shirar siyaasadeed?

Wasaaradda Amniga ee Puntland ayaa soo saartey amar mamnuuc ka dhigaya in shirar siyaasadeed ay isugu imaan karaan bulshada ku dhaqan Puntland.

Goaa’naka ka soo baxay Wasaaradda Amaniga oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Amniga Axmed  Cabdullaahi Yusuf (Dowlad) ayaa digniin loo diray Hoteelada iyo goobaha kale ee ganacsi ee marti geliya shirar suyaasadeed ee looga soo horjeedo maamulka talada haya ee Dr. Cabdiweli Gaas.

Iyadoo maalmahan la qabanaayey shirar qarsoodi ah oo lid ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada shacabka Puntland, waxaa la farayaa dhammaan laamaha ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto in aan la qaban karin wax shir siyaasadeed ah oo lagu khalkhal gelinaayo amniga iyo xasilinta Puntland, Wasaaradda Amniga ee Puntland

Amarkan ayaa daba socda kadib markii siyaasiyiin uu kamid yahay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne ay qabteen shir ay si weyn ugu dhaliileen maamulka Cabdiweli Gaas.

Qoraalka Wasaaradda Amniga waxaa lagu koobay shirar siyaasadeed, waxaana sifo looga dhigey kuwo lagu khalkhal gelinaayo amniga Puntland,  qoraalka laguma xusin in wixii shirar siyaasadeed ah la soo ogeysiiyo maamulku, ma muuqato wax lagu kala saari karo shirar siyaasadeed oo maamulka loogu cabanayo laguna dhaliilayo iyo kuwo lagu duminaayo Puntland waxa u dhexeeya ee maamulku yaqaan, waxaana guud ahaanba laga dhigey kuwo lagu khalkhal gelinaayo amniga waxaana amar la siiyey ciidanku in ay shaqo ka qabtaan.

Waa markii u horeysey ee maamulka Cabdiweli Gaas soo saaro wareegto caynkan oo kale ah.