Somali News

Wasaaradda amniga Galmudug “Colaad beeleedka Galmudug waxaa sabab u ah Khilaafka hogaanka Galmudug”

Dhuusamareeb-KNN-Mahad Xasan Maxamed oo ah wasiir ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa walaac ka muujiyay dhibaatada ka taagan deegaanka Kaxan-dhaale ee gobolka Galgaduud, kaas oo ay ku dhintayn in kabadan 10 qof.

Wasiirka ayaa sheegay in Khilaafka u dhaxeeya hogaanka Galmudug ay sabab u tahay dagaal beeleedka ku soo laa-laabtay Galmudug, waxa uuna ugu baaqay hogaanka Maamulkaasi iney heshiiyaan si shaqooyinka maamulka u bilaawdaan.

“waxaan ugu baaqayaa labada dhina iney joojiyaan dagaalka socda, dagaal wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta, markale iyo markale ayaa farayaa iney dagaalka joojiyaan” ayuu yiri Mahad Xasan Maxamed wasiir ku xigeenka amniga Galmudug.

Galmudug ayaa la daala dhacayso dagaalo sukeeye iyo khilaaf ka dhax-oogan hogaanka sare ee Maamulkaasi, khilaafkaas oo la aaminsan yahay inuu caqabad ku yahay horumarka maamulka.