Muqdisho-KNN-Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgalo ay Ciidamada amaanka saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo dilal ka dhacay magaalada.
Afayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdi-casiis Xildhibaan oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay soo qabtayn qofkii ka dambeeyay dilka Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo shalay ka dhacay Xaafadda Baar-ubax ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale afayeenka ayaa sheegay in ay sameeyeen howlgalo kale oo ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir, waxa uuna sheegay in ay soo qabtayn dad ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.


