Baydhabo-KNN-Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo sabti ah iney dishay xubno ka tirsan dagaalamayaal Al-shabaab kadib weeraro lagu fuliyay gobalka Bay oo ay ka socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada K/Galbeed.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa lagu yiri “annaga oo kaa-shaneyna saaxiibada caalamiga ah ee nala howlgala waxaan dilnay Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab kadib howlgalo aan ka sameynay gobalka Bay ee Soomaaliya”
Wasaaradda amniga ma cadeynin deegaanka ay sida rasmiga ah uga sameyeen howlgalkaan balse waxay sheegtay in tobaneeyo Al-shabaab ah ay dileen Ciidamada amaanka Soomaaliya iyo kuwa ajnabi ah.


