Somali News

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin col abuur ah oo lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, kana timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Macharia Kamau.

“Waxa aan u aragnaa farriintaasi lagu faafiyay Twitter-ka mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabka dhulkeeda, sidoo kale waxa ay dhaawacaysaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya”.

“Soomaaliya waxa ay u taagantahay deris wanaagga, xushmad is weydaarsiga iyo iskaashiga dhow ee kala dhexeeya wadamada deriskeeda ah, sidaas si la mid ah ayay ka rajaynaysaa Kenya”, ayaa lagu yiri dhambaalkii loo dhiibay safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya .