Muqdisho-KNN-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadashay doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Jubbaland
Waxa ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Soomaaliya in aysan aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorahada Jubbaland haddii la baalmariyo Dastuurka iyo Shuruucda dalka
Waxa ay intaa ku dartay in nidaamka doorasho ee maamulkaasi Jubbaland la waafajiyo Dastuurka dalka iyo Shuruucda dalka u deggan
Waxa ay arrintan kusoo aadaysa xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda dawladda dhexe iyo madaxweynaha Jubbaland taas oo ku aadan arimaha doorashada Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horay ugu dhawaaqay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay faraha kala baxdo arrimaha doorashada Jubbaland isla markaasina aysan imaan karin magaalada Kismaayo xubnaha ka socda Dawladda Soomaaliya